Sh/Dhexe: Beeraleyda Oo Bilaabay Tacbashada Dallagga Beeraha
Dadka Beeraleyda ah ee ku nool Jowhar ayaa bilaabay ka faa’ideysiga xilliga tacabka beeraha, qaarkood ayaa bilaabay diyaarinta dhulkii wax lagu tabci lahaa, halka kuwa kalana ay horay u tabcadeen dalagga nuucyadiisa kala duwan.
Faysal Ceynte waxaa uu ka mid yahay dadka beeraleyda ah ee ku nool gobolsha Sh/dhexe waxaa uu Goobjoog News uga warramay sida ay hadda u diyaar garoobayaan dadka beeraleyda ah waxaa uuna yiri .
“Waxaa socda isku diyaarinta tacbashada dallagga beeraha ee xilliga gu’ga, waxaa hadda beereynaa Galleyda, Sisinta, Masageda iyo khudaarta maadaama aan sugeyno roobka gu’ga”.
Beeraleyda gobolka Sh/hoose ayaa hadda xusul duub ugu jira sidii ay u tabcan lahaayeen dalaggyada kala duwan ee beeraha maadaama uu bilaaban doono xilliga gu’ga.
Goobjoog News