U bood dhigaalka

Sh/dhexe: Dadka Oo Ka Cabanaya Waddo La’aan

Sheeko:Dalka

Bulshada ku dhaqan deegaannada gobolka Sh/dhexe waa kuwo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato, balse waxaa ay ka cabanayaan waddooyin la’aan ka jirta gobolka.

Waddooyin laami ah oo ay isticmaalaan dadkan markii uu da’o roobka malahan, guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Axmed Makaraan oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey wadooyin la’aanta ka jira gobolka.

Guddomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in bulshada ku dhaqan Sh/dhexe ay qabaan dhibaatooyin badan kuwaas oo u badan isku socodka waxaa uuna yiri.

“Waxaa lagu jiraa xilligii roobka, xilliga roobka markii la gaaro tuulada ugu dhow in ay wax keensato dhib ayey ku tahay, xilliga roobka haddii la gaaro waxaa la mari karaa wadada laamiga ah kuwa kale lama mari karo”.

Dadka ku nool Sh/ dhexe ayaa hadda waxaa haysta walwal ah hadii roob yimaado in ay ku adkaato marista waddooyinka kuwaasi oo ay fariistaan biyo.

Goobjoog News