U bood dhigaalka

Sh/hoose: Waa Sidee Xaaladda Deegaannadii Ay Ku Dagaallameen Ciidanka DFS Iyo Kuwa Al-shabaab?

Sheeko:Amniga

Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay xaalad ahaan deggan yihiin deegaannada Jilib Marka iyo Gendershe ee gobolkaasi, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Al-shabaab.

Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaannadaasi.

Waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay Labo jeer ku noqdeen deegaankaasi iyadoo ugu dambeynna ka saaray Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in deegaannadaasi ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay jiraan duqeymo ka dhacay deegannadaasi.

“Al-shabaab waa kuwo dhuumaaleysanaya, markii culeys la saaro howtka ayeey ku cararaan, markii laga soo noqdana wey yimaadaan deegaannadaasi” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Marka.

Goobjoog News