U bood dhigaalka

Shabakad Ka Ganacsatada Xubnaha Jirka Banii’aadamka Oo Lagu Qabtay Masar

Sheeko:Caalamka

Dalka Masar waxaa gacanta lagu dhigay shabakad si sharci darro ah uga ganacsata xubno ka tirsan jirka banii’aadamka.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Masar, ilaa 45 qof ayaa arrinkaas loo xiray, iyadoo gacanta lagu dhigay Malaayiin Dollar, waxaana dadkan la qabtay ka mid ah dhakhaatiir, kal-kaaliyeyaal, dalaaliin iyo dadka xubnaha ka ganacsatada.

“Kooxdan la xiray waxaa ay dhibaato u gesyteen dhaqaalaha, waxaa ay ka faa’ideysteen baahida bukaanka qaar, waxaa ay sidoo kale jabiyeen sharciyada dalka” sidaa waxaa sheegtay wasaaradda caafiamaadka.

In xubnaha dadka banii’aadamka laga ganacsado waa mamnuuc dalka Masar, laakin waxaa jira dad ka faa’ideysta baahida bukaanka si ay uga iibsadaan xubnihiisa qaar, waxaa marar badan la sheegay dhibanayaal ay ku jiraan dad Soomaali ah oo lagu waxyeeleeyay dalka Masar.

Goobjoog News