U bood dhigaalka

Shabeelaha Hoose: Khasaare Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Xoogga Dalka iyo Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in saakay waabarigii la weeraray saldhig ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin  deegaanka Ceel-saliini oo dhaca duleedka degmada Marka ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Xoogag ka tirsan  Al-Shabaab oo weerar xooganka ku qaaday  saldhigga deegaanka Ceel-saliini ayaa waxaa ay iska caabin kala kulmeen ciidamada xoogga dalka , waxaana goobta ka dhacay dagaal culus oo dhex maray ciidmada xoogga iyo Al-Shabaab, waxaana u suura gashay in ay qolyihihii weerarka soo qaaday ay  gudaha u galaan saldhigga Ceel-Saliini.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan inuu jiro khasaare,  inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidamada xoogga ayaa ku geeriyootay qaar kalane waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka oo  ka hadlay weerarka ka dhacay Ceel-Saliini ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar  Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo uu ka dhacay dagaal in ka badan saacad halkaasi ka socday.

Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno deegaankaas waxa ay sheegayaan in hadda ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa xoogga dalka ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Ceel-Saliini, waxaana lasoo sheegayaa in halkaas ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan amniga lagu xaqiijinaayo.

Goobjoog News