U bood dhigaalka

Shabeellada Dhexe: Biyo La’aanta Webiga Shabeelle Oo Saameysay Xoolo Dhaqatada

Sheeko:Dalka, War

Biyo la’aanta ayaa ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe, arrintan waxaa ay saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool gobolka.

Bulshada xoolo dhaqatada ah ayaa tilmaamay in saameyn Ballaaran oo dhinaca daaqsinka iyo biyo la’aanta ee ka jirta gobolka ay heysato, waxa ayna codsadeen in gurmad degdeg ah lala soo gaaro, maadaama ay jiraan xoolo xilligani biyo la’aan u geeriyooday.

Jiilow Cali Ciise waxa uu ka mid yahay dadka xoolo dhaqatada ah ee ku sugan gobolka Sh/dhexe waxa uu Goobjoog News uga waramay xaaladda biyo la’aanta ah ee ka jirta deegaannada hoos yimaada Jowhar waxaa uuna yiri. “Halkani waxaa ka jira biyo la’aan iyo macluul, xoolaha waxaa ay u dhimanayaan harraad, maheysanno wax aan cunto ku karsanno, xoolihii xataa wax waan u la’nahay waa ay iska dhimanayaan”.

Biyo la’aanta ka jirta Sh/dhexe ma aysan saameyn oo kaliya xoolo dhaqatada ee waxaa jira in dhammaan ay saameysay bulshada ku dhaqan gobolka Sh/dhexe, mana jira ceelal u qodan dadka ku dhaqan deegaannada hoos yimadaa Jowhar ee maamulka Hirshabeelle.

Webiga Shabeelle ayaa biyo la’aan ah in muddo ah, waxaa la sheegayaa in ay isku biirsadeen abaar iyo biyo-xireenno Itoobiya ay sameysay.

Goobjoog News