U bood dhigaalka

Shacab Badan Oo Bilaabay Iney Ka Barakacaan Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

In ka badan 50 qoys ayaa lagu soo waramayaa iney ka barakaceen qaar ka mid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in dadkan ay badi usoo barakaceen dhanka magaalada Muqdisho, waxaana ay ka baqayaan in dhibaato ay kasoo gaarto dagaallo ka dhacay magaaladaasi.

Maxamed Cismaan Yariisow oo ah guddoomiyahii hore ee Marka ayaa Goobjoog u sheegay in maamulka magaaladaasi iyo ciidamada ammaanka ku  howlan yihiin sidii ay amniga Marka u sugi lahaayeen.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda federaalka ayaa howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay waxay ka wadaan xaafadaha Marka gaar ahaan kuwii dhowaan laga saaray Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News