U bood dhigaalka

Shacab Bilaabay Iney Ka Barakacaan Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno ku dhow degmada Mahaday ayaa sheegaya in ay barakac bilaabeen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaannadaasi.

Deegaanka Biyo Cadde oo shalay ay dagaal kula wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney shacabka halkaasi ka barakacayaan kadib markii ay ka baqeen dagaallo mar kale ka dhaca.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, iney naftooda la baxsanayaan, maadaama ay suurtagal tahay in mar kale Al-shabaab weerar soo qaadaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Biyo Cadde kaliya ma ahane deegaanno badan ayeey dadka ka barakacayaan, dagaal in mar kale ka dhaco ayaan ka baqeynaa, waxaana aadeynaa deegaannada aan is leenahay waa nabad”

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan Sh/dhexe, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Goobjoog News