U bood dhigaalka

Shacab Bililiqeysanaya Xarumihii AMISOM Ee Marka

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi ay billeebeen inay boobaan (Bililiqeystaan) xarumihii ay ciidamada AMISOM ka deganaayeen magaaladaasi.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa u sheegay Goobjoog News in shacab badan ay billaabeen inay la baxaan shabaqyadii dhufeyska u ahaa ciidamada AMISOM, iyo sidoo kale agabyadii ay halkaasi uga tageen.

“Saakay dadkii waxaa loo fasaxay inay galaan dhufeysyadii iyo shabaqyadii AMISOM ay ku lahaayeen magaalada Marka, waxaana dadka ay galeen meello badan oo AMISOM deganaan jirtay” ayuu yiri goobjoogahan.

Dhinaca kale magaalada Marka saakay xaaladeedu waa mid aad u deggan, iyadoo ay dib u furmayaan dhammaan xarumihii ganacsi ee magaaladaasi.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa lagu arkayaa dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay Marka, waxaana ay wadaan howlgallo ay sheegeen in amniga ay ku xaqiijinayaan.

Habeenkii xalay ahaa magaalada Marka waxaa laga dareemay jawi ka duwan kii hore kadib markii dhammaan xaafadaha Marka dadkii deganaa ay habeen madow isku soconayeen, xilli habeenadii ka horeeyay dadku ay ahaayeen kuwo xaafadahooda galayay maqribadii.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay waxay faarujiyeen dhammaan xarumahii ay ka deganaayeen magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose, iyadoo magaaladaasi ay la wareegeen ciidanka Al-shabaab.

Goobjoog News