U bood dhigaalka

Shacab Cabasho Ka Ah Maamulka Gobalka Banaadir Oo Maanta Dibadbax Ka Dhigay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shacab farabadan ayaa maanta dibad bax ka dhan ah maamulka gobalka Banaadir waxa ay ka dhigeen degmada Wadjir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaano Buulo Tikniko.

Dadkaan ayaa sheegay in maamulka gobalka Banaadir uu horay uga raray guryo ay deganaayeen, islamarkaana aanay jirin meel la dejiyay.

Waxa ay tilmaameen in dhulka ay deganaayeen u haystaan caddeyn muujinaysa in ay iyaga leeyihiin, balse si awood ah looga raray waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen shacabkaan in gudoomiyaha gobalka Banaadir Mudane Muungaab ay ka haysteen Ballanqaad ahaa in meel kale la dejin doono, balse ballantaasi looga baxay.

“Gudoomiyaha annaga waxa uu naga ballan qaaday in meel uu na dejin doono, laakiinse dhulkeenna waa nalaga kiciyay, meel kalena ma haysanno, idaacadaha ayaan ka maqlnay isaga oo leh dadka meel ayaan dejinnay, laakiinse dhulka uu sheegayo waa mid lacag lagu kala iibsanayo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dibadbaxayaasha.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan cabashada ay qabaan, islamarkaana dowladda ay hoos u eegto cabashadooda.

Goobjoog News