U bood dhigaalka

Shacab Carreysan Oo Dibadbax Ka Dhigaya Magaalada Berbera

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in dibad ballaaran ay halkaasi ka dhigayaan Boqolaal shacab ah oo carreysan.

Dadkan oo kasoo horjeeda wareejinta dekadda Berbera ee shirkadda DP World taas oo laga leeyahay dalka Isku tagga Imaaraadka carabta ayaa waxay taayero ku gubeen waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi.

Shacabka ayaa sidoo kale dhagxaan ku tuuraya ciidanka Booliiska Somaliland oo isku dayaya in dadka ay kala eryaan.

Xilliga dibadbaxan billowday ayaa lagu soo waramayaa in dekadda Berbera ay ku jireen Injineero la sheegay inay soo kormeerayeen dekaddaasi kuwaasi oo ka socday shirkadda DP World ee maamulka dekadda lagu wareejiyey.

Booliiska weli waxay ku howlan yihiin sidii ay dadkaasi ku kala eryi lahaayeen, waxaana magaalada qariyey uurada taayerada la gubayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News