U bood dhigaalka

Shacab Dibadbax Ka Dhigaya Degmada Wisil Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Shacab badan oo ku dhaqan degmada Wisil ee gobalka Mudug ayaa wada maanta dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan sida la sheegay dad dhisanaya goobaha danta guud ee degmadaasi.

Dibadbaxaan ayaa la sheegayaa in uu dhinac socdo hub isku uruursi dadka dhexdiisa, islamarkaana dadka ay isku haystaan dhulalka, iyadoo la dhistay meelo badan oo shacabka loogu adeegi jiray.

Afhayeen u hadlay maamulka Wisil ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaaladda ay tahay mid cakiran, hadii aan laga soo gaarinna ay dhibaato halkaasi ka imaan karto.

Waxa uu sheegay Afhayeenkaan in la dhistay xarumahii dowladda, barxado waaweyn oo ciidanka loogu tala galay in ay ku gaardiyaan iyo sidoo kale goobo Kubadda cagta lagu ciyaari jiray.

Wadooyin badan oo degmadaasi ka mid ah ayaa lasoo sheegayaa in ay xirmeen ka dib markii dadka qaarkii ay dhisteen, iyadoona maanta xaalad middii ugu darneyd ay halkaasi ka jirto.

Goobjoog News