U bood dhigaalka

Shacab Ka Barakacay Dagaalladii Ka Dhacay Deegaanka Jannaale, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay barakac ballaaran ka wadaan deegaankaasi, kadib dagaallo deegaankaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Qaar kamdi ah dadkan ka barakacaya deegaanka Jannaale ayaa u sheegay Goobjoog News, iney u barakacayaan deegaannada nabdoon ee ku dhow deegaankaasi.

“Annaga waxaan ka baqeynaa dagaallo ka dhaca Jannaale, qof walbo wixii uu ku barakici karo ayaa qaadanayaa, dadka qaar lug ayeey deegaanka uga baxayaan, waayo cid dhibaato rabta malahan, deegaanka waxaa ku sugan Al-shabaaab, waxaana nala leeyahay waxaa soo socda ciidamada dowladda” sidaasi waxaa inoo sheegtay haweeney ka tirsan dadka ka barakacay Jannaale oo magaceeda dalbatay in la qariyo.

Xaaladda deegaanka Jannaale ayaa ah mid deggan kadib markii ay halkaasi dib uga laabteen ciidamada dowladda oo weerar ku qaaday Al-shabaabkii ku sugnaa deegaankaasi, waxaana gacanta deegaankan dib ula wareegay Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News