U bood dhigaalka

Shacab Ka Barakacay Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Marka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MarkaQaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ka barakacay qaar ka mid ah xaafadaha magaaladaasi ka dib cabsi soo wajahday.

Mid ka mid ah Haweenka ku dhaqan Marka ayaa u sheegta Goobjoog Fm, in dadkaan ay saaka ka kala carareen xaafaha kala ah Ruusiya, Sheekh Abaroone, Obasiibo ee magaaladaasi.

Sababta keentay in dadkaan ay halkaasi ka baxaan waxay ku sheegtay in ciidamada AMISOM ay sahay dhanka magaalada u doonteen, sidaa darteedna ay keentay in xaafadaha laga sii baxo.

“Ciidamada AMISOM ayaa dhanka magaalada u doontay Biyo iyo raashiin, marka dhamaan xaafadaha u dhaw laamiga waa laga kala cararay, sababtoo ah markii sidaan ay banaanka u aadaan AMISOM soo laabadkooda dhibaato ayaa lagala kulmaa, hadii wax yar lagu tuuro dhamaan xaafadaha ayeey madaafiic ku garaacaan” ayeey tiri Haweeneydaan ku sugan magaalada Marka.

Ciidamada AMISOM ayaa mararka qaar waxa ay duqeyn ka geystaan xaafado ka mid ah Marka, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare kala duwan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News