U bood dhigaalka

Shacab Ku Baaqay In La Bixiyo Mushaarka Ciidamada

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa ku baaqay in dowladda Federaalka ay bixiso mushaarka ciidamada, gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo dhowaan qaarkood dibadbax ka dhigay Muqdisho.

Waxay dadkaan qaarkood oo la hadlay Goobjoog, ay sheegeen in ciidamada aysan muddo qaadan mushaar, islamarkaana waajibka ugu horreeya ee dowladda Federaalka yahay iney bixiso mushaarka ciidamadaasi.

Xuseen Xasan Isaaq oo kamid ah shacabka la hadlay Goobjoog News, ayaa yiri “Mushaar waxaa dhiibo xukuumadda, xukuumaddiina weli lama soo dhisin, balse waxaa Ra’iisul wasaaraha laga doonayaa inuu dedejiyo bixinta mushaarka, madaxweynaha wuu ballanqaadey in ciidamada lacag la siinayo, balse xukuumadda ayaa laga doonayaa iney bixiyaan mushaarka ciidamada”

“Magacayga haddii aaan ku bilaabo waa C/qaadir Axmed Xuseen, waxa kallifey in ciidanka ay sameeyaan gadood waa lacag la’aanta iyo in lagu tunto xuquuqdooda, aniga oo shacab ah waxaan ka codsanayaa dowladda in ciidamada xuquuqdooda la siiyo”

Maxamed Xuseen Cali: Askarta wey u dulqaataan in bilooyin ay lacag la’aan noqdaan, laakiinse gadoodkii ciidanka waxaa keenay in mushaarkood ala xaqiro, xaqooda in lagu tunto askarta ma ahan, waa dadka kaliya ee naftooda dalka u huraya oo ku dadaallaya in nabadda ay dhaliyaan, waxaan leenahay ciidamada siiya mushaarkooda si ay waajibaadkooda usii gutaan”

12-kii bishan, ciidamo Milatari ah oo ka gadoodsan mushaar la’aaan ayaa dibadbax ka dhigey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxayna ciidamadan sheegayeen in muddo sanad ah aaney qaadan wax mushaar ah.

Goobjoog News