U bood dhigaalka

Shacab ku dhiban degmada Berdaale iyo nawaaxigeeda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Degmada Berdaale oo ka tirsan gobalka Bay iyo deegaano kale oo hoosyimaada ayaa laga soo sheegayaa in xilligaan ay ka jirto xaalado bini’aadanimo.

Maxamed Isaaq Cara-case oo ah gudoomiyaha degmada Berdaale ayaa u sheegay Gobjoog Fm in amniga degmada uu wanaagsan yahay hase ahaatee ay jiraan xaalado bini’aadanimo oo daran.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ay jiraan dad badan oo ku guryo beelay dagaalo ka dhacay deegaano ka mid ah degmadaasi, ayna dadkaasi yihiin kuwo aan haysan meel ay ku hoydaan.

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku dartay in hadda dadkii guryaha ka gubtay ay u baahan yihiin in la garab istaago, isalamarkaana gurmad deg deg ah lala soo gaaro.

Kulan ayuu sheegay in magaalada Baydhaba uu ku la qaatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ayna u balan qaadeen in ay dadkaasi wax u qaban doonaan.

Ugu dambeen ayuu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qeylo qaaday in ay kaalintooda ka qaataan wax u qabashada shacabka Berdaale iyo nawaaxigeeda ku nool.

Halkaan ka dhageyso warkaan oo maqal ah.

Goobjoog News