U bood dhigaalka

Shacab Ku Dhintay Madaafiic Ay Tuurtay AMISOM

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in 7 qof oo  shacab ah ay ku dhinteen madaafiic ay AMISOM ku tuureen deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Hoobiye ay tuureen ciidamada AMISOM ayaa ku dhacay hooy ku yaalla duleedka degmada Jannaale gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Farango, waxaana halkaasi ku dhintay 7 qof oo isku qoys ah, iyadoo Labo kale ay ku dhaawacmeen sida ay Goobjoog News u sheegeen dadka deegaanka.

Sido kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa inoo xaqiijiyey jiritaanka dhacdadan.

Hoobiyeyaasha ay AMISOM tuureen ayaa timid kadib markii Al-shabaab ay gelinkii dambe ee shalay weerar ku qaadeen ciidamo AMISOM ah oo ku sugnaa deegaanka Buufow, iyadoo duqeyntana ay dhacday habeenkii xalay ahaa.

Taliska AMISOM ee gobolka Shabellaha Hoose weli kama aaney hadal arrintan, balse dhowr jeer sidan oo kale madaafiic iyo rasaas ay rideen ciidanka AMISOM waxaa ku dhintay dad shacab ah.

Goobjoog News