U bood dhigaalka

Shacab Lagu Laayay Deegaanka Xaawo Cabdi Ee Sh/hoose (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay dad shacab ah ku laayeen deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabellaha Hoose, barqanimadii maanta.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey 8 qof, iyadoo lasoo weeraray xilli ay ku howlanaayeen olole nadaafadeed oo halkaasi ka socday.

Dadka dhintay waxaa u badan haween, iyadoo ay jiraan warar kale oo soo baxaya sheegayaan iney jiraan dad kale oo nolosha lagu watay.

Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose oo u waramay Goobjoog ayaa xaqiijiyey tirada dadka halkaasi lagu dilay.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News