U bood dhigaalka

Shacab Tacsi uu Diray Ku Dhaleeceeyey Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa maanta daabacday war ku saabsan tacsi uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u diray dowladda iyo Shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi.

Haddaba, arrintan kama degin dadka Soomaaliyeed, gaar ahaa kuwa isticmaala baraha bulshada iyada oo su’aalo badan ka weydiidey madaxweyne Farmaajo sababta uu uga aamusay dadkii ku waxyeeloobey qaraxii xarunta gobolka Banaadir 24-kii bishan, dadkaasi oo 9 ay dhinteen, waxaa kale oo dhaawac culus soo gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow.

Dhacdadaas kadib madaxweyne Farmaajo ma hadlin, ma soo booqan, mana ku tukan, arrintaas oo iyadana su’aalo badan la iska weydiiyey.

Halkan Hoose Ka Akhriso, Sida ay dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen tacsida uu Farmaajo u diray Tunis.