U bood dhigaalka

Shacab Waxyeello Kasoo Gaartay Duqeyn Ka Dhacday Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhaawacmay kadib hoobiyeyaal xalay lagu weeraray degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka oo saaka la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aysan garan karin halka sida rasmiga ah looga soo tuuray hoobiyeyaashani.

13-ka dhaawcyada ah ayaa ah dadka deegaanka kuwaas oo iyagoo hurdaya ay madaafiicda ugu tagtay guryahooda.

Saraakiisha maamulka Afgooye weli kama aysan hadlin hoobiyeyaashan xalay lagu weeraray degmadaasi.

Waxaa sidoo kale jira madaafiic ay AMISOM ku jawaabeen kuwaas oo meelo duleedka ka ah degmada Afgooye ku dhacayay lamana oga khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Isbitaal ku yaalla degmada Afgooye ayaa lagu dabiibayaa dadka dhaawacyada qaba oo ay ku jiraan dad halis ah.

Muddooyinkii dambe falal ammaan darro ayaa ku soo kordhayay Afgooye waxaa tan ka horreysay weerar dhowr jiho ahaa oo magaaladaasi lagu qaaday taas oo Muqdisho u jirta qiyaas dhan 30-KM.

Goobjoog News