U bood dhigaalka

Shacabka B/weyne Oo Soo Dhoweeyay Biyo-keenista Wabiga Shabeelle

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyay biyo-keenista Wabiga Shabeelle oo maalmo badan biyo-la’aan ahaa.

Qaar kamid ah shacabka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in uu biyo keeno Wabiga, ka dib maalmo badan oo ay dadku harraad qabeen.

“Waxaa Ilaahay mahaddiisa ah in mar kale uu Wabiga biyo keeno, waan ku faraxsannahay, waana ka faa’ideysan doonnaa” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shacabka B/weyne.

Sidoo kale dadkan ayaa sheegay in hadda ay dib u bilaabi doonaan tabcashada beerahooda, isla markaana ay waxsoosaar samayn doonaan.

Wabiga Shabeelle ayaa in ka badan bil biyo-la’aan ahaa, iyadoo taasina ay saameysay dadkii iyo duunyadii ku noolaa hareeraha Wabiga Shabeelle.

Goobjoog News