U bood dhigaalka

Shacabka Baydhabo Oo Ku Baaqay In Loogu Gurmado Dadkii Ku Sumoobay Biyahii Ay Cabeen

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka argti dhiibtey sida ugu wanaagsan ee loogu gurman karo dadkii waxyeellada ay kasoo gaartay biyihii sumeysnaa ee ay cabeen.

Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen in mas’uuliyadda ugu horreysa ay arrintan ka saaran tahay maamulka Kooonfur Galbeed oo laga doonayo in ay wax u qabtaan dadka hadda xaaladooda ay liidato.

Sidoo kale waxay dadkaan soo jeediyeen in dadka hadda xaaladda halista ah ku jira ee gaaraya 20-ka ruux ay muhiim tahay in dowladda Federaalka ay usoo qaaddo magaalada Muqdisho si noloshooda loo badbaadiyo.

“Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga doonayaa in dadkaan uu degdeg wax ugu qabto, wixii aan magaalada Baydhabo wax looga qaban karinna waa in la geeyaa magaalada Muqdisho, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed oo dhan mas’uuliyad baa ka saaran wax u qabashada dadkaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shacabkii la hadlay Goobjoog News.

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku geeriyootey deegaanka Masuubiyow oo qiyaastii 20 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kadib markii ay biyo ka cabeen Warbiyood la sheegay iney sumeysneyd.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada