U bood dhigaalka

Shacabka Baydhabo Oo Ka Hadlay In Marlaabad Uu Isa Soo sharraxo Shariif Xasan Sheekh Aadan

Sheeko:Dalka

Shacabka Magaalada Baydhabo ayaa ka aragti dhiibtay dib isku soo sharaxista Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha K/glabeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waqtigiisa waxaa uga haray Muddo dhan labo bilood, Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa isna waxaa la soo dhisay Markii Madaxweynaha iyo Maamulkiisa ay sanad jirsadeen.

Shariif Xasan ayaa Baarlamaanka K/galbeed waxaa uu u sheegay in marlabaad uu yahay Musharax u taagan qabashada doorashada maamulkaasi oo hadda isku diyaarinaya bilaabashada doorashada Madaxweynaha.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in Shariif Xasan uu xaq u leeyahay in mar kale uu is soo sharaxo haddii uu u arko inuu wax u qabanayo Shacabka K/galbeed.

Dadka aragatida dhiibtay waxaa ka mid ahaa Maxamed Shariif Ibraahim oo ku nool Baydhabo waxaa uu qabaa in Madaxweyne Xasan uu Marlabaad mudanyahay in uu hoggaamiyo K/galbeed isla markaasna uu dhameystiri doono inta u harsan .

“Amniga lagu joogo Magaalada waxaa iska leh alle ka so kow Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaan leeyahay Marlaabad iyo Mar saddexaad Musharraxnimada waa kuu ogalnahnay”.

qof kale oo ka mid ah Shacabka Baydhabo ayaa yiri “In badan waa uu qabtay wax badanna waa ay u dhimanyihiin waxaan leenahay ha loogu daro Afartaan Sano ee soo socota”.

Shacabka Baydhabo ayaa aaminsan in tan iyo intii uu Xilka hayay Shariif Xasan Sheekha Aadan uu qabtay waxyaabo badan halka dadka qaarna ay sheegayaan in aysan jirin wax horumar ah oo la sameeyay intii uu xilka hayay Madaxweynaha.

Goobjoog News