U bood dhigaalka

Shacabka Cadaado Oo Ka Aragti Dhiibtey Ciidamada Itoobiya Ee Ka Baxay Ceelbuur

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka aragti dhiibtey ciidamada Itoobiya ee maalintii shalay ahayd isaga baxay degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Dadkaan qaarkood waxay sheegeen in ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ay ka dambeyso siyaasad si ay cadaadis u saaraan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Qaarkood dadkani waxay sheegeen in markii horeba aysan ciidamada Itoobiya si sharci ah dalka ku joogin, waxna aaney soo kordhin doonin haddii ay baxaan waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Cabdi Maxamuud Yuusuf: Ka bixitaanka ay ciidamada Itoobiya ka baxeen Ceelbuur waxaan u arkaa guul umadda Soomaaliyeed usoo hoyatay, markii horeba sharci darro ayeey ku joogeen hadana waan soo dhoweyneynaa, dowladda Soomaaliya waxaan leeyahay cidna haku tashanina ee ciidanka dhisa.

Maxamed C/laahi Maxamed: Waxaan u arkaa ciidamada Itoobiya ee isaga baxay degmada Ceelbuur arrin siyaasadi ka dambeyso oo la doonayo in lagu dhabar jabiyo dowladda cusub, marka waxaan leeyahay dowladda Federaalka ha dhisto ciidamada Soomaaliya si ay u buuxiyaan kaalinta ay ciidamada shisheeye baneynayaan.

Caruuse Macalin Maxamed: Ciidamada Itoobiya muddo ayeey halkaasi joogeen, dowladda Soomaaliya iyo Galmudug xil iskama aysan saarin arrintaan oo waayo ciidamo ma aaney sii diyaarin, Itoobiyana danteeda ayeey ku joogtay.

Ciidamada Itoobiya ayaa gabi ahaanba faarujiyey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi la wareegay dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News