U bood dhigaalka

Shacabka Cadaado Oo Loogu Baaqay Ka Shaqeynta Ammaanka

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta iyo Dastuurka maamulka Galmudug, Cismaan Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud iney ka shaqeeyaan amniga iyo kala dambeynta.

Wuxuu sheegay Cismaan in la yaab ay noqotay kadib markii maalmihii ugu dambeeyay degmada Cadaado ay kusoo bateen falalka amni darrada ah oo uu sheegay in horey aan degmadaasi looga baran.

Waxgaradka, Haweenka, culimada iyo dhallinyarada degmada Cadaado ayuu sheegay in waajibka ugu horreeyo ka saaran yahay amniga degmadaasi.

“Wax qof kasta u muuqda ayaa jira, maalmihii ugu dambeeyay waxaa gacanta kusii baxaya dhaqankii Cadaado lagu yaqaanay ee amniga iyo kala dambeynta, waxaa dhacaya rasaas, gaadiid ayaa la kala dhacayaa, waxaan oo dhanna waxay dhibeysaa shacabka Cadaado” ayuu yiri Cismaan Dheere.

Ugu dambeyn, wasiir hore Cismaan Maxamed Cali ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iney kasoo baxaan waajibaadka saaran ee ah sugista amniga iyo in si daacad ah ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug.

Goobjoog News