U bood dhigaalka

Shacabka Cadaado Oo u Diyaar Garoobay Soo Dhoweynta Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa isku diyaariyey soo dhoweynta madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku wajahan magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu tago degmada Cadaado, waxaana aad loo adkeeyay amniga guud ee magaaladaasi.

Sawirada madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xardhay waddooyinka waaweyn ee Cadaado.

Waxaa la arkayaa shacab badan oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo soo dhoweyn ah oo waddooyinka magaalada Cadaado taagan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa u bilaabatay booqashooyin uu ku marayo deegaannada Galmudug, maadaama uu soo dhammeeyay booqashadii uu ku marayey deegaannada Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News