U bood dhigaalka

Shacabka Cadaado Sidey u Arkaan In Baarlamaanka Galmudug Ku Shaqeeyo Magaaladaasi?

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka aragti dhiibtay sidey u arkaan in baarlamaanka Galmudug ku shaqeeyo magaaladaasi.

Dadkan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa soo dhoweeyay in barlamaanka Galmudug ku shaqeeyo Cadaado, waxyaabo kalena ay filayaan.

Xasan Axmed Shire: Aad ayaan usoo dhoweynayaa in Cadaado maqaam gaar ah loo sameeyo maadaama ay tahay magaalo Istiraatiiji ah, meesha Koowaad waaye, waa bilwo wanaagsan, waana ku qanacsannahay in madaxweynaha ku dhowaaqo in Cadaado tahay xarunta baarlamaanka Galmudug.

Cabdinuur Ciise Cilmi: Waxaan dhihi karaa in Cadaado loo magacaabo xarunta baarlmaanka Galmudug waa arrin aad muhiim ah, weyna mudneyd, Cadaado waxay kamid ahayd iyadoo dadki Cadaado u dhashay oo aan xilal waaweyn helin ay hadane ku qanceen in magaaladooda ku shaqeyso Galmudug, dadkani waa ay soo dedaaleen, in xaruntii baarlamaanka Galmudug laga dhigana waa wax muhiim ah.

Cabdinuur Macalin Axmed: Waxaan ku faraxsanahay in Cadaado laga dhigo xaruntii uu ku shaqeynayo baarlmaanka Galmudug, Cadaado baarlmaan iska daayee dowladda Galmudug oo dhan ayeey haysay.

C/kaafi Daa’uud Maxamed: Cadaado uma qalmin in Baarlaman oo kaliya xarun looga dhigo ee waxay istaashishay wax ka weyn, balse haddii loo fiiriyo danta umadda Soomaaliyeed maadaama waxyaabo badan aan u tanaasulnay waa wax reer Cadaado ku sabri doonaan.

Cabdalla Sheekh Yuusuf: Heshisyadii la gaaray aad baan usoo dhoweyneynaa, walwalka wuxuu ahaa in la kala tago balse waxaa muhiim ah in la is fahmo oo la heshiiyo, reer Cadaado ahaan waan soo dhoweyneynaa.

Goobjoog News