U bood dhigaalka

Shacabka Deegaanka Xawaadley Ee Sh/dhexe Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka Degaanka Xawaadlay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ku baaqay in degdeg wax looga qabto xaalado adag oo dhanka nolosha ah islamarkaana ka jira deegaankaasi.

Guddoomiyaha Degaankan Cali Maxamuud waxa uu sheegay in aysan  jirin  ilaa iyo haatan cid wax ka qabatay dhibaatadan marar badan ay ku celceliyeen in gurmad degaanka lala gaaro.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Guddoomiyaha in aysan jirin Hay’ad samafal oo kasoo jawaabta  dhibaatadan ay qabaan Boqolaal carruur ah oo ku nool Degaanka.

“Deegaankan dhibaato badan baa ka jirta, dhanka caafimaadka ayaa ugu daran, cuduro ayaa jira, sidoo kale dadku ma haystaan cunno ku filan, waxaan ku baaqeynaa in degdeg dadkaan loogu soo gurmado” ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad xooggan.

Goobjoog News