U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Afgooye Oo Si Iskaa Wax u Qabso Ku Dhisaya Buundada Yar Ee Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa billaabay in si iskaa wax u qabso ah ay ku dhisaan Buundada yar ee degmada Afgooye, taasi oo isticmaalkeedu muhiim u yahay dadka ku dhaqan degmadaasi.

Qeyb ka mid ah Buundadani waa la dayactiray kadib muddo Laba Bil oo ay burbursaneyd, islamarkaana ardayda ka yar da’da 15-sano aanay halkaasi isticmaali jirin, qaarkoodna laga joojiyay waxbarashadooda si aanay wabiga uga dhicin.

Arday ku dhow 100 ayaa hadda dib u billaabay waxbarashadooda, waxaana Buundadan ay si gaar ah muhiim ugu tahay isku socodka dadka deggan xaafadaha Dhagaxtuur iyo 21-ka October maadaama wabiga uu maro bartamaha degmada Afgooye.

Wariyaheena Maxamed Cabdi Xasan Afgooye ayaa booqasho ku tagay halka ay ka socoto dayactirka Buundada yare, qeyb ka mid ah waa la dhisay, shaqaalo badaanna waa ay ku howlanyihiin howshaan, waxaana qeybta la dhisay isticmaalaya dadka shacabka ah.

Siraad Mustaf Cali waa hooyo ku dhaqan degmada Afgooye, Seddax ka mid ah carruurteeda muddo Labo Bil ah waxbarasho ma aanay helin, kadib markii ay uga joojisay sababo burburka buundada la xiriira.

Goobjoog News ayeey u sheegtay in carruteeda waxbarashadooda ay dib u billaabeen, maadaama dib u habeyn lagu wado Buundada, waxay xaqiijisay inay arrintani aad ugu faraxsan tahay.

“Hadda qeybta dhisan ee Buundadan ayaan marnaa oo meel la’isku hubo ay tahay, inta dhimanna waxaan jecelnahay dadka deegaanka iyo ganacsatada ee isku xiran oo aan u duceynayno inay dhameeyaan, rajadeena hadda aad bay u wanaagsan tahay, Seddax caruur oo iskuul ii dhiganeysay ayaan horay uga reebay iskuulkii maadaama aan ka  baqay inay Wabiga ku dhacaan, dhinaca dhisan bay maraan, Buunadada hadda si wanaagsan baa loo dhisay, waxaan is leennahay 40 Sano oo hadda soo socota in aan la dhiseyn” ayeey turi Siraad.

Caasha Axmed Cabdi oo iyana ka mid ah haweenka degmada Afgooye ayaa u sheegtay Idaacadda Goobjoog in waxbadan iska bedashay rajada dhanka Isticmaalka Buundada Yar ee dulmarta wabiga Shabelle ee degmada Afgooye.

Carruurteeda waxay maraan Buundadaasi, waxay hadda sheegtay in wax walwal ah aanay ka qabin in carruurteeda dhibaato kasoo gaarto marista Buundadan, waxayna sheegtay in markii hore ay carruurtooda cabsi darteed uga reebi jireen wabiga waa sida ay hadalka u dhigtaye.

“Markii hore cabsi aan qabno ayaan ilamaha uga reebi jirnay inay buundada maraan,  laakiinse hadda isbedal badan baa ka muuqda, waana ku faraxsannahay in la dhiso, cabsidii wey naga baxday, cid walbo oo gacan ka geystay dhismaha Buundadan waan u mahadcelinaynaa”

Buundadan la dayactirayo waxaa qarashkeeda bixinaya dadka deegaanka oo is xilqaamay kadib markii ay soo noqnoqtay waxyeellada ay halkaasi kala kulmayeen carruurta yaryar.

Arday ka badan 20 ayaa la xaqiijiyay in dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen isticmaalka Buundadaasi.

Maxamuud Cali waxa uu ka mid yahay ardayda sida joogtada ah u isticmaala Buundada yar degmada Afgooye, waxa uu isna inoo sheegay in hadda ay qabaan rajo wanaagsan maadaama laga dhisay buundadii ay dhibka ku mari jireen.

Waxa uu tilmaamay in mararka qaar uu waqtiga ka lumi jiray inta ay dadka iska sugayaan marista Buundada, sababtoo ah Seddax qof si siman uma aanay mari jirin halkaasi.

“Waxaan mari jiray Buunada yare e Afgooye maalintii Seddax illaa iyo Afar jeer, waxaa aad iyo aad ugu badnaa maalmaha Sabtida illaa Arbacada waayo waxaan ahay arday, ilmaha yar yar waxay ku dhici jireen meelaha jeexjeexan ee Buundada, gaari Dameerka oo kale masoo mari jirin, ka ardey ahaan aad iyo aad ayaan ugu faraxsannahay dayactirkaan waayo buundada waxaa isticmaala dad kala duwan” ayuu yiri Maxamuud Cali.

Labadii Sano mar ayaa dayactir lagu sameyn jiray Buundada yar ee degmada Afgooye, inkastoo muddooyinka dambe ay aad usii burburtay, balse hadda dadka deegaanka oo iskaashaday ayaa billaabay in si iskaa wax u qabso ah ay ku dayactiraan Buundada.

IMG-20160316-WA0001 IMG-20160316-WA0002 IMG-20160316-WA0000

Goobjoog News