U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Cadaado Oo Aragti Ka Dhiibtay Shirkii Kismaayo Ee Natiijo La’aanta Kusoo Dhamaaday

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa aragti kala duwan waxay ka dhiibteen shirkii Kismaayo ee shalay si natiijo la’aan ah kusoo dhamaaday.

Inta badan dadkani waxay sheegeen inay aad uga xunyihiin in shirka Kismaayo lagu soo kala tago iyadoo aan la qaadan go’aan mid ah.

“Magacaygu waa Xuseen Ibraahim, hadii aan aragtideyda ka dhiibto shirka Kismaayo waan ka xumahay in natiijo la’aan lagu soo kala tago, waxaan ka xumahay in aan go’aan qaadan weynno oo aan caalam ama shisheeye sugno”

“Xasan Axmed Shire, hadaan fikirkayga ka dhiibto shirkii Kismaayo waxay ila tahay inaan laga sugeyn shirkaasi in lagu kala tago, waxaan sugeynay in shirkaasi uu kasoo baxo wax umadda Soomaaliyeed dan u ah, waxaan sugeynay in la’isku rooca hal aragti in la qaato”

Qaar ka mid ah dadkani ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed in ay dib isugu laabtaan, fikiraan una turaan shacabka Soomaaliyeed oo ay sheegeen in madaxdooda eegayso.

Shir muddo Afar maalin ah ka socday magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday, kaasi oo looga hadlayay nooca doorasho ee dalka ka dhici doontan sanadkaan 2016.

Goobjoog News