U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Cadaado Oo Aragti Ka Dhiibtay Suurtagalnimada In Doorashada Ay Ku Dhacdo Waqtigii Loo Qabtay

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka aragti dhiibtay suurtagalnimada in doorashada dalka lagu qabto waqtigii dhawaan ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka dadban.

Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa qaarkood waxay sheegeen in haddii dadaal badan la muujiyo ay suurtagal tahay in waqtigii la qabtay ay doorashada ku dhacdo.

“Magacaygu waa Maxamed C/laahi Maxamed aniga aragti ahaan waxaan qabaa in haddii dadaal badan la bixiyo in jadwalkaan doorasho sidii loogu talo galay inay u dhacdo, inkastoo jadwalkii doorasho ee lagu soo sameeyay shirkii Baydhabo aanu dhaqan Gelin”

“Magacygu waa Nuur Buule, waxaan is leeyahay haddii Soomaaalida ay hoos u wada hadasho wax badan baa u qabsoomi doona, haddii waxeeda loo daayo Soomaaalida doorashada sidii loogu talo galay bay u dhaceysaa”

“Ma u maleynayo in doorashada ku dhammaan doonto bisha October waxaa macquul ah in hadane waqti kale lagu daro sidii horayba u dhacday” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadkii aragtida dhiibtay.

Guddiga doorashooyinka dadban ee 2016 ayaa soo saaray jadwal ku saabsan xilliga ay la qaban doono doorashooyinka kadib shir magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha madasha wadatashiga qaran.

Goobjoog News