U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Cadaado Oo Ka Aragti Dhiibtay Waxqabadka Maamulka Galmaudug Oo Sanad Jirsaday

Sheeko:Dalka

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Cadaado ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen waxqabadka maamulka Galmudug oo sanad jirsaday.

Dadka oo aragtidooda ku kala duwanaa ayaa qaarkood waxay sheegeen  in waxqabad muuqda la yimaadeen, halka qaarna ay sheegeen in shaqooyinkii looga baahnaa aanay qaban maamulkaasi iyo madaxda hoggaamineysa.

“Magacaygu waa C/raxmaan Cali Maxamed, Galmudug sanadka ay jirtay wax badan ayaan ka fileynay, laakiin ma aanay gaarin meeshii la filayey, ma aanay sameyn tallaabooyin horumar leh, wey jiraan caqabado badan oo ku hor gudban, waxyaabaha qaarna waa lagu amaani karaa Galmudug oo ah Isbaarooyinkii ay qaadeen oo si nabad ah loo wada marayo inkastoo horumarkii la filayey oo kamid yihiin abuurista ilo dhaqaale aanay jirin, wasiirada maamulkana aanu jirin xafiis loogu hagaago oo ay ku shaqeeyaan”

“Anigoo ah Shiine waxaan sheegayaa in Galmudug ay la timid dhibaato, dagaal, baaba iyo busaarad, waxaa inoo soo dheer isku dir laaluush bixin, iska horkeenka Labadii wada dhalatay, askartii iyo shacabkii, mas’uul aan lahayn xafiis loogu tagay waxaan ahayn Sanadkaasi kuma arag Galmudug, waxa uu ballanqaaday madaxweyne Guuleed markii uu imaanayey inuu la imaan doono waxqabad muuqda sida wada hadalka Ahlu-sunna, dhismaha degmada Hobyo iyo waddooyinka waaweynaa, marka meesha ay ku dabaaldegi lahaayeen waxaa ka wanaagsan inay baroordiiq”

Shariif Xasan Tahliil oo ka mid ah isna dhallinyarada degmada Cadaado ayaa waxa uu Goobjoog u sheegay in Galmudug ay waxbadan qabatay oo aan la qarin karin, waxaana tusaale usoo qaatay dib u heshiisiinta beello ku dagaallamay deegaannada Galmudug, adkeynta amniga, tayeenta ciidamada iyo arrimo kale.

“Magacaygu waa C/qani Maxamed, Galmudug sidii aan ka fileynay kama aanay helin, Cadaado waxaa ka jiray maamul la yiraahdo Ximan iyo Xeeb, dhulkii uu ka talinayey qaar ayaaba gacantii ka baxay oo maamullo kale ay la wareegeen, dekadda Hobyo ayaan ka sugeynay inay wax ka qabtaan hase ahaatee illaa hadda waxbo ma aanay sameyn, dagaallo badan baa gobolka ka socda, waxaan leeyahay waa rag laga xukumo Villa Soomaaliya”

Maamulka Galmudug ayaa sanad jirsaday, waxaana shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug ay sanadkaasi sugayeen in maamulka la yimaado isbedallo degdeg ah inkastoo ay jiraan caqabado maamulka haysta.

Goobjoog News