U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Dharkeenley Oo Amni Darro Ka Cabanaya

Sheeko:Amniga

Shacabka ku dhaqan degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya rag hubeysan oo ay sheegeen in ay xilliyada habeenkii dadka isbaaro u dhigtaan.

Waxa ay sheegeen in wixii ka dambeeya salaadda maqrib ay dadka cabsi dareemaan, islamarkaana guryaha isaga xaroodaan si aanay dhibaato ugala kulmin raggan hubeysan.

C/salaan Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in maanta degmadaasi lagu dhaawacay wiil kaxeynayey Mooto Bajaaj, sidoo kale habeen kahor haweeney lagu dhaawacay degmadaasi.

Dadka qatiyaa ayeey taagan yihiin, waxay la kulmaan dhibaato, niman hubeysan ayaa dhacaya, mararka qaar guryaha ayeey ugu galaan dadka

Dhanka kale, C/salaan ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka ee Muqdisho iney wax ka qabtaan falalka amni darri ee ka jira degmada Dharkeenley.

Goobjoog News