U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Hilwaa Oo Cabasho Ka Ah Rag Hubeysan Oo Habeenkii Dhac Ka Geysta Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafado ka tirsan degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa cabasho waxay ka muujinayaan rag hubeysan oo wata Mootooyin kuwaasi oo dhac u geysta ganacsatada iyo dadka kale ee shacabka ah.

Kooxdan ayaa xilliyada habeenkii weerara dukaamada ganacsiga iyaga oo dhacaya Dukaamada, sidoo kalena Taleefanada gacanta ka qaadanaya dadka shacabka ah.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Hilwaa ayaa Goobjoog News u sheegay in dhibaatadan ay muddo badan soo jiitameysay islamarkaana loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto.

“Waxaan ku suganahay degmada Hilwaa, waxaan cabasho ka nahay ciidamo hubeysan oo wata Mootada Labada Lugood leh, waxay dhac u geystaan shacabka iyo Dukaamada, qof walbo oo ay arkaan Mobile-ka ayeey ka qaadanayaan, waa xilliga habeenkii waliba, wixii ka dambeeyay 4-ta galabnimo haddii Mooto la arko dadka deegaanka wey kala cararayaan, markii hore gaadiid ayeey wadan jireen, markii lagu fahmay hadane Mootooyin ayeey billaabeen, waxay ka faa’ideysanayaan dadka guryaha hortooda iska fadhiya iyo kuwa socotada ah”

Shacabka ku dhaqan degmada Hilwaa ayaa baaq u diray maamulka degmadaasi iyo Taliska Booliiska waxaana ay ka dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dadka u caawiyaan, waxna uga qabtaan kooxahan shacabka dhibka ku haya.

Goobjoog News