U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Hilwaa Oo Guryahooda Ku Difaaacaya Budad Iyo Baangado

Sheeko:Dalka

Degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir waxaa muddooyinkaan dambe kusoo batay tuukada xilliyada habeenkii ah guryaha gala si ay xatooyo usoo sameeyaan.

Shacabka ku dhaqan degmadaasi oo qatiyaan ka joogay dadkaan ayaa durba waxay billaabeen inay ku tala galaan  in guryahooda ka difaacdaan tuugadan,  islamarkaana ay soo dhigtaan hub fudud.

Qaar ka mid ah dadkaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in markii ay waayeen cid tuukada loo yaqaan Darbiyo ka boodka wax ka qabata ay go’aansadeen in iyagu is difaacaan.

Waxay sheegeen in haatan ay guryaha soo dhigteen Budad iyo Baangado ay sheegeen in Tuugada wax uga qaban doonaan haddii ay guryaha ugu soo galaan.

“Dadka deegaanka waxay ku hubeysan yihiin Budad, Baangado, iyo Biro, waxaan rabnaa inaan isaga difaacno tuugada raba in guryaheena noogu soo dhacaan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Maamulka degmada Hilwaa oo aynu xiriir la sameynay si aan bal wax uga weydiinno cabashada shacabka ay qabaan ee keentay in Budad isku hubeeyaan ayaan inoo suurta gelin.

Goobjoog News