U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Hobyo Oo Isku Diyaariyey Soo Dhoweynta Farmaajo

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa isku diyaariyey soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo oo maanta la filayo inuu degmadaasi tago.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in degmadaasi lagu xardhay sawirada madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Ammaanka guud ee degmada Hobyo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana degmadaasi ku sugan wafdi horudhac u ah madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa xalay ku hoyday degmada Caabudwaaq ee Galgaduud, waxaana socdaalka nabadda ee Farmaajo ku marayey Puntland iyo Galmudug ku dhow yahay Gabogabo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News