U bood dhigaalka

Shacabka Degmada Kaaraan Oo Cabasho Ka Ah Isbaarooyin Xilliyada Habeenkii

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan ee goboka Banaadir ayaa cabasho ballaaran waxay ka muujiyeen Isbaarooyin xad dhaaf ah oo xilliyada habeenkii ay sheegeen  iney dhigtaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in wixii ka dambeeya salaadda Maqrib ay dadka guryahooda ku xaroodaan, gaar ahaan dadka ku dhaqan xaafadaha Siisii iyo Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan.

Rag xiran dharka ciidanka xoogga dalka ayuu sheegay in dadka ay ka dhacayaan Taleefannada gacanta ah iyo wax walbo oo ay muhiim u arkaan.

“Dhibaato badan baan qabnaa habeenkii, guriga ayaa salaadda Maqrib iyo Cishaha ku tukannaa, rag xiran dareeska ciidamada xoogga dalka ayaa dhibaatadaan nagu hayo, Taleefannadana waa ay inaga dhacaan cid wax ka qabata ma jirto” ayuu yiri qofkan deggan degmada Kaaraan oo magaciisa ka gaabsaday.

Dhanka kale Goobjoog News ayaa si arrintan ay wax badan uga sii ogaato waxay xiriir la sameysay taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Kaaraan, C/fitaax Xasan Sabriye, waxaana taliyaha uu sheegay iney ka warqabaan cabashada shacabka Kaaraan.

Waxa uu tilmaamay in habeen iyo maalin ay sameeyaan howlgallo amniga lagu sugayo, balse shacabka aan laga hayn farriin ah markii ay arkaan ragga hubka sita ee shacabka dhacaya.

“Annaga dadaal badan ayaan ku bixinnay inaan la dagaallano cid walbo oo amniga wax u dhimeysa, cabashada shacabkana ma jirto kuma dhahayo, laakiinse shacabka waxaan ka rabnaa markii ay wax sidaasi oo kale ah arkaan in ay degdeg inala soo xiriiraan” ayuu yiri Taliyaha.

Degmada Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho kuwooda ugu waaweyn, waxaana degmadaasi sidoo kale kamid ah kuwa ugu amniga wanaagsan ee Muqdisho.

Goobjoog News