U bood dhigaalka

Shacabka Gaalkacyo Ee Puntland Oo Ka Digey In Dib Loo Fasaxo Gaadiidka Ka Taga Gobollada Koonfureed

Sheeko:Dalka

Banaanbax ballaaran oo ay isugu soo baxeen shacab badan ayaa maanta ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dadka dibadbaxa dhigayey ayaa taageeray go’aan madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Camey horay ugu mamnuucay gaadiidka ka taga Koonfur ee taga Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Dadkan oo u badanaa Haween iyo sidoo kale gaadiidley ayaa sheegay in Gaalkacyo hadda nabad ay tahay, islamarkaana ay diyaar u yihiin ka shacab ahaan in ay dhaqan geliyaan go’aankaasi.

Waxay tilmaameen in aysan aqbali doonin haddii Puntland ay ka laabato go’aankaasi in ka shacab ahaan ay tallaabo qaadi doonaan.

“Waxaan taageeraynaa madaxweyne ku xigeenka Puntland ee nabadda maanta haysanno inoo horseeday naga joojiyey gaadiidkii ka imaanayey Koonfur, amnigeena ayaa ku jirta arrintan, annaga nabadeena ganacsi ma dhaafsaneyno, waxaan ogeysiineynaa dadweynaha ku nool Gaalkacyo in nabadeena ilaalsanno, oo aan aqbalin in la fasaxo gaadiidka, midda kale gaadiidleyda Koonfur waxaan u sheegeynaa in halkan aan lagu soo qaldin, haddii ay yimaadaan annaga gaadiidkooda waan gubeynaa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay Dibadbaxan.

Waxaa jiray warar hoose oo maalmahan dadku isla dhex qaadayeen kuwaasi oo ku saabsan in Puntland ay waddo qorshe ay dib uga laabaneyso go’aankii lagu xanibay gaadiidka ka tageyey Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News