U bood dhigaalka

Shacabka Gaalkacyo Oo Loogu Baaqay Ka Shaqeynta Horumarka Magaalada

Sheeko:Dalka

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xersi Yuusuf ayaa shacabka ku dhaqan magaaladaasi ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarka guud ee magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay mudane Yuusuf in muhiim ay tahay in laga gudbo caqabadaha taagan si loo helo maalgashi lagu sameysto magaalada Gaalkacyo, laguna soo dhiirado.

Nabadda ayuu sheegay iney tahay arrinta Koowaad ee lagu noolaan karo, wuxuuna tilmaamay in guud ahaan reer Gaalkacyo ay mas’uuliyad ka saaran tahay ka shaqeynta amniga iyo horumarka magaalada.

“Dadka deggan Gaalkacyo waxaan ugu baaqayaa iney nabadda adkeeyaan, ka shaqeeyaan horumarka si magaaladan ay u hesho dad kusoo dhiirada oo maalgashta” ayuu yiri Duqa Gaalkacyo ee Galmudug.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayey magaalada Gaalkacyo isbedallo balllaaran oo ku aadan dhanka nabadda iyo horumarka.

Goobjoog News