U bood dhigaalka

Shacabka Galgaduud Qaarkood Oo Cabasho Ka Ah Guddiga Gurmadka Abaaraha Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolka Galgaduud ayaa sheegay in cabasho ay ka yihiin guddiga gurmadka abaaraha Galmudug oo ay sheegeen in illaa iyo hadda aaney wax kaalmo ah gaarsiin deegaannada abaarta ka jirta ee gobolkaasi.

Cali Khaliif Xaashi, waxa uu kamid yahay dadka ku dhaqan deegaanka Docolley ee gobolka Galgaduud, wuxuuna u sheegay Goobjoog News, in illaa iyo haatan lacagtii lagu wareejiyey guddigaan inaanu wax kasoo gaarsiin dadka ku dhaqan deegaankaasi.

“Abaarta aad bay u adag tahay, guddiga lacag baa loo keenay, wuu naga eexday, wixii aan  xaqqa u lahayn illaa iyo hadda nalama soo gaarsiin, dad badan oo dhallinyaro ah dhibaato badan haysa ayaa jirta, xoolihii wey naga dhamaadeen, sidoo kale ma haysanno biyo iyo cunto midna” ayuu yiri Cali Khaliif.

Aadan Kaariye Cabdi, isna waxa uu kamid yahay dadka ku dhaqan deegaanka Dhuumoole oo gobolka Galgaduud, waxa uu u sheegay Goobjoog News, in guddiga abaaraha Galmudug aysan weli ka helin ka deegaan ahaan saamigii dhankooda kaga soo aaday lacagihii gurmadka ahaa ee Cadaado geeyeen guddiga abaaraha Galmudug.

“Waxaan u baahannahay in nala siiyo xuquuqdii aan lahayn, haddii aan weynno waxaa muuqan doonta inaan kamid ahayn shacabka Galmudug, waa inaan helnaa wixii deeq ahaa ee abaarta loogu talogalay” ayuu yiri Kaariye.

Guddiga abaaraha heer Qaran ayaa lacag gaareysa 150 kun oo doolarka Maraykanka ah waxay ku wareejiyeen guddiga abaaraha Galmudug, si wax loogu qabto dadka ay aafeysa abaarta dalka ka jirta.

Goobjoog News