U bood dhigaalka

Shacabka Garoowe Oo Aragti Ka Dhiibtay Shirka Aayaha Puntland Ee Lagu Qabanayo Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen shir dhawaan la filayo in uu ka furmo magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal, kaasi oo looga hadlayo aayaha Puntland.

Shacabka qaar ayaa soo jeediyay in shirka inta aan la qaban ay muhiim tahay in aad loo sugo amniga guud ee magaaladaasi, maadaama maalmihii ugu dambeeyay dilal iyo qaraxyo ay ka dhaceen.

Qaar kale oo dadkaasi ka mid ah waxa ay sheegeen in shirkaasi uu yahay mid aysan taageersaneen, sababtuna waxa ay ku sheegeen in aan hadda la ogeyn ajendaha shirkaasi iyo arimo kale.

Cabdirisaaq Axmed Faarax oo ka mid ah shacabka Garoowe, waxa uu sheegay in uu taageersan yahay shirkaasi, balse waxa uu ku taliyay in dib loo eego amniga magaalada Gaalkacyo.

“Aad iyo aad baan u taageersannahay shirkaasi, waana arin muhiim ah, laakiin waxaan ku talin lahaa in amniga Magaalada Gaalkacyo dib loo eego” ayuu yuri Cabdirisaaq.

Warsame Cismaan oo ka mid ah waxgaradka gobalkaasi ayaa isna sheegay in shirkaan aanu ahayn mid wada tashi ah, islamarkaana aan habooneen in lagu qabto magaalada Gaalkacyo.

“Arintaa iyada ah waxaan u aragnaa arrin qalad ah, haba yaraatee amnigeed meeshaasi ma wanaagsana oo aad iyo aad buu u xun yahay, shirkaasi uma aragno in uu yahay mid nabad galyo ah” ayuu yuru Warsame.

Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo ee gobalka Nugaal lagu qabto shir la sheegay in uu yahay mid looga tashanayo aayaha Puntland.

Goobjoog News