U bood dhigaalka

Shacabka Gobalka Gedo Oo Dalbaday In Xayiraadda Laga Qaado

Sheeko:Dalka

Bulshada qeybaheeda kala duwan ee gobalka Gedo ayaa waxa ay dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in si degdeg ah looga qaado xayiraadda ka saran duulimaadyada gobalkaasi.

Shacabkaan oo u waramay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegeen in maalinkii lixaad uu hakad ku jiro dulimaadyadii gobalka oo idil marka laga reebo degmada Luuq oo dowladdu ay kaliya ka dajinayso ciidamo.

Sidoo kale Bulshadan ayaa sheegay in dadka safraya ay isugu jiraan dad kala duwan oo qaarkood ay ka midyihiin dad da’ ah iyo dad kale oo u baahan adeeg caafimaad, wax ayna ka dhawaajiyeen in dowladdu ay arrinkaasi wax ka qabato.

Khilaaf siyaasadeed ayaa u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe iyada oo markaani khilaafkaasi uu saameyn xoog leh ku yeelanayo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Goobjoog News