U bood dhigaalka

Shacabka Gobalka Nugaal Oo Loogu Baaqay Ka Shaqeynta Amniga

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Nugaal ayaa bulshada gobalkaasi ka codsaday in ay kala shaqeeyaan xagga Nabad Galyada Gobalkaasi, si loo helo xasiloono iyo kala dambeyn.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed oo la hadlayay shacabka ku dhaqan gobalkaasi ayaa ku booriyey Bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe in ay ka qayb qaataan Sugitaanka Nabadgalyada isagoona ka codsaday in laaamaha amaanka la socod siiyaan cidwalba oo ay u arkaan in amniga qalqal galinayso.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dariseyn la sameyn doono, islamarkaana maamulkooda uu doonayo in bulshada ay la shaqeeyaan, shacabkana sidaas oo kale looga baahan yahay.

“Magaaladaan waxa lagu joogo waa amaan, waxaan rabnaa in aan is fahamsiinno sida amniga looga shaqeynayo, qof walba waa inuu diyaar u ahaado sugidda amniga, xaafadaha ayaan rabnaa in la’isku xiro si amni loo helo” ayuu yiri gudoomiyaha

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaalada Garoowe iyo deegaanada kale ee gobalkaasi ka midka ah, shacabkana waxa uu ka dalbaday in ay la shaqeeyaan maamulka iyo ciidamada amnigha.

Goobjoog News