U bood dhigaalka

Shacabka Gobolka Mudug Oo Hambalyo u Diray Goobjoog Fm (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin iyo shacab ku sugan gobolka Mudug ayaa hambalyada ku aadan sanadguuradii Afaraad ee Idaacadda Goobjoog hawada soo mariyey.

Waxay sheegeen dadkani in ay Goobjoog oo kaliya ku xiran yihiin, islamarkaana ay dhageystaan wararkeeda iyo barnaamijyadeeda.

C/rashiid Xaashi Cartan waa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, waxa uu sheegay inuu aad u dhageysto Idaacadda kuna xiran yahay fariin qoraaleedka Goobjoog.

Waxa uu tilmaamay in Idaacaddu tahay mid dhexdhexaad ah, islamarkaana marwalbo ka hadasha waxa dalka ka jira.

Hambalyo sidaan la mid ah waxaa Goobjoog usoo diray ururada Haweenka iyo  Dhallinyarada Galmudug, waxaana ay ka rajeeyeen in Idaacadda ay intaan kasii waddo dadaalkeeda.

Wariyaheena Cali Cayn ayaa warbixin kasoo diyaariyey (Riix Halkaan)