U bood dhigaalka

Shacabka Hiiraan Oo Ka Aragti Dhiibtey Doorashadii Guddoonka Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka arati dhiibtey doorashadii guddoonka golaha shacabka oo 11 iyo 12-kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Shacabkan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in la doorto hoggaanka cusub ee baarlamaanka, islamarkaana ay hadda ka dhigan tahay in la hayo baarlamaan rasmi ah.

Waxay ugu baaqeen guddoonka baarlamaanka gaar ahaan guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari inuu wax badan ka barto baarlamaankii hore ee isagu guddoomiye ka ahaa, islamarkaana haatan laga doonayo in wax badan uu qabto.

“Golaha waxaan leenahay waxaa la idin ka rabaa inaad ka shaqeysaan horumarka oo shaqdiina yeeysan noqon mooshin iyo wax la mid ah, dalka abaar baa ka dhacday, waxaana la idin ka doonayaa inaad ka shaqeysaan cadaaladda, dhinaca kale guddoomiye Jawari waxaan kula talinayaa inuu umadda gaarsiiyo sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegay Maxamed Cabdi Jaras oo kamid ah shacabka B/weyne.

Inta badan dadka ka aragti dhiibtey doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa ka wada sinnaa dardaaran xooggan oo ay u jeedinayaan mas’uuliyiinta cusub iyo xildhibaannada, taasi oo ku aadan in umadda si daacad ah wax loogu qabto.

Goobjoog News