U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Deegaanka Camaara Ee Gobolka Mudug Oo Gurmad Caafimaad u Baahan

Sheeko:Caafimaadka

Shacabka ku dhaqan deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa xilligaan waxa ay doonayaan inay helaan gurmad caafimaad oo degdeg ah.

Maxamed Cali oo ah madaxa caafimaaadka Camaara ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka deegaanka ay yihiin kuwo xilligaaan aad ugu baahan helitaanka xarumo caafimaad oo degdeg ah.

Waxa uu sheegay in dadka ku xanuunsada Camaara loo qaado deegaanno kale oo ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud maadaama halkaasi aanay lahayn xarun caafimaad oo baahida dadkaasi dabooli karta.

“Annagu ma hayno wax dawo ah, deegaanka waxaa ka jirta dawo yari, isbitaallo waaweyn malahan, hooyada foosha ah waa in magaalo kale loola cararaa, Camaara waxaa hoos yimaada deegaanno kale oo dadka ku dhaqan ay adeeg caafimaad u baahan yihiin, Mudugna nama oga Galgaduudna nama oga” ayuu yiri Maxamed Cali.

Ugu dambeyn madaxa caafimaadka Camaara ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaaliya in gurmad dawo ah lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaankaasi, loona furo isbitaal qalabkiisa u dhameystiran yahay.

Goobjoog News