U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Deegaannada Miyiga Ee Puntland Oo Hubka Laga Mamnuucay

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa deegaannada Miyiga ah ka mamnuucay in shacabka ay qaataan hubka maadaama ay soo badatay dadka ku dagaallamaya arrimaha daaqsinka iyo dhulalka la xiriira.

Taliyaha Booliiska Puntland ee degmada Qardho ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Axmed yuusuf Muuse Jaqanaf ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in dadka ay uga digeen inay qaataan hubka kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la filan karo dagaal dhexmara dadka xoola dhaqatada ah.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ammarada ay soo saareen ka mid yahay baneynta dhulka daaqsinka ah ee la ooto, kuwaasi oo uu sheegay in ay tahay meelaha ugu qatarsan ee dagaal ka billaabmi karo.

“Maadaama lagu guda jiro bisha Ramadan waxaan diidannahay in dadka dagaallamaan, waayo waxaan helnay xog leh waxaa dhici kara dagaal dhanka Miyiga ah, sidaa darteed waxaan soo saarnay ammar ah in shacabka aanay hub qaadan karin si nabad loo helo, waliba ammarka kahor wacyigelin baynu sameynay’ ayuu yiri Taliyaha.

Deegaannada Miyiga ah ee Puntland waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo u dhaxeeya dad xoolo dhaqato u badan, waxaana lagu dagaallamaa inta badana dhul daaqsimeed.

Goobjoog News