U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Buulomareer Oo Ka Cabanaya Qiimo Koror Ku Yimid Raashiinka

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Buulomareer ayaa xilligaan aad uga cabanaya xaalad nolol xumo oo soo wajahday, ka dib markii sare u kac ku yimid qiimahii la kala siisanayay raashinka.

Qaar ka mid ah shacabkaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in muddo 7 maalin ah aan wax raashiin ganacsi ah soo gelin degmadaasi, islamarkaana ay ku xayiran yihiin degmada Afgooye ee Shebellaha Hoose.

Waxay tilmaameen in sababta qiimaha raashiinka uu sare ugu kacay ay tahay ka dib markii wadooyinkii gaadiidka soo marayeen Isbaarooyin xad dhaaf ah lasoo dhigay.

“Annaga walaalow waan yaabannahay, raashiinkii qaali buu noqday, jidka ayaa gaadiidkii loo degay, wax aan sameynno ma naqaanno, Kiiladii sokorta waxaa la iibinayaa hadda 50 kun Shilin Soomaali ah, horayna waxay u ahayd 15-kun oo shilin Soomaali ah, meel walbo isbaaro, meelihii kale ee aan mareynayna roob ayaa xiray” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Shacabkaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay degdeg tallaabo uga qaado dadka Isbaarada dhigtay wadada, si ay ugu sahlanaato in raashiin la geeyo degmadooda.

Deegaanno badan oo Gobalka Shabellaha Hoose ka mid ah waxaa yaalla Isbaarooyin badan, kuwaasi oo caqabad ku ah shacabka ku safra wadooyinkaasi.

Goobjoog News