U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Qanasaxdheere Ee Baay Oo Gurmad Bini’aadannimo u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyay xaaladda nolosha ee qoysaska degmadaasi.

Guddoomiyaha Qansaxdheere Aadan Cabdi Qooqane ayaa u sheegay Goobjoog in weli ay degmada dadka ku sugan heysato dhibaatooyin la xiriira abaarihii dalka ka dhacay.

Wuxuu sheegay in qoysas badan ay deggan yihiin Qansaxdheere kuwaas oo aan heli Karin wax ay noloshooda ku maareeyaan.

“Weli saameynta abaartii dalka ku dhufatay ayaa dadka ka muuqata, waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, sidoo  kale waxay dadkaan u baahan yihiin in laga caawiyo waxyaabo badan sida waxbarashada iyo caafimaadka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Qansadheere ee gobolka Baay ayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka ugu yeeray inay soo kaalmeeyaan dadka ku dhaqan degmadaasi.

Goobjoog News