U bood dhigaalka

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Baladweyne Oo aragtidooda Ka Dhiibtay Kalsooni Kala Laabashada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

baladweyne-buundoQaar ka mid ah Shacanka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa aragti kala duwan ka bixiyay Kalsoonidii shalay Baarlamaanka uu kala laabtay xukuumada uu Hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Shukri Xuseen Sabriye oo ka mid ah Wariyaasha Goobjoog ee Gobalka Hiiraan ayaa codbaahiyaha la dhex qaaday Bulshada ku dhaqan Baladweyne, iyadoo cid walba oo hadashay ay aragtideeda cabirtay.

Qaar ka mid ah dadkaan ayaa soo dhaweeyay in meesha laga saaro xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli, kuwaa oo sheegay in dalka fowdo uu sii gali lahaa.

Shacabka qaarkood ayaa iyana sheegay in ay aad uga xunyihiin in kalsoonida lagala laabto Ra’iisul wasaare Cabdiweli, iyaga oo Baarlamaanka ku dhaliilay go’aan aysan ka fiirsan.

Aragtida shacabka oo aad u badan ayaa hadana dadka qaar waxay sheegeen in Soomaaliya aysan xal u noqonayn khilaaf marwalba ah una dhaxeeya Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare.

Baarlamaanka Soomaaliya ayeey dadkaan si isku mid ah ugu baaqeen in la keeno sharci adag oo kala xadeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha si aysan u dhicin mar kale isku dhac Labada dhinac ah.

Shalay ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka, waxa ay kalsoonida kala laabteen xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.